Gaalkacyo (CNN SOMALI) – Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay Galab gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo lagu dooran doono 11 kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanayo Galmudug.
Sida jadwalkii uu ahaa ayaa uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug 5 Bisha oo Sabtida Berri ah ku aadan ayuu qorshuhu ahaa in la doorto 6 kamid ah 11-ka Kursi ee taalo Gaalkacyo, laakiin buuq badan ayaa ka dhashay qaar Kuraasta kamid ah oo laga dhigay Kooto Dumar.
Lixda Kursi ee la shaaciyey 3 kamid ah ayaa laga dhigay Kooto Dumar, mid kamid ah horey ayey ugu fadhisay qof Dumar ah waana HOP #60 oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame.
Reerka Kursigaas leh waxay rajeenayeen in sanadkaan kursigooda laga saaro kootada Dumarka iyadoo sanadkaan guud ahaan beesha Koonfurta degto ay eegeysay in Afarteeda Kursi laga dhigo xisaab rag, laakiin Qoor Qoor wuxuu Kursiga HOP #60 kusoo celiyey xisaabtii Dumarka.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha iyo Liibaan Tahliil Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha xusul duubka ugu jiray kursigaan, balse Qoor Qoor ayaa aaday jiho aysan fileyn.
Diidmo arrintaas la xiriirta ayaa taala Magaalada Gaalkacyo, waxaa kaloo culeyska kursigaan sii xoojiyey markii la ogaaday in Kursiga la rabo in loo xiro Ubax Tahliil.