Kismaayo (CNN SOAMLI) – Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarey ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha guddigaas Cumar Maxamed Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha socdaalkooda Kismaayo, isagoo xusay in Garbahaarey ay u sii gudbi doonaan.
“Wafdigaan hordhac waaye, waxaa imaanaya xubno kale oo aan sugeyno, waxaan la kulmi doonaan madaxweynaha Jubaland iyo dadka kale ee daneeya doorashada Garabahaarey ee ku sugna Kismaayo,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle.
Waxa uu sheegay in waajibaadka loo igmaday ee ku aadan qiimeynta in doorasho ka dhici karto Garbahaarey uu ku kooban yahay seddax qodob oo kala ah, qiimeynta xaaladda amni, agabka lagu qabanayo doorashada iyo xog uruurin lagu sameynayo aragtiyaha kala duwan ee dadka deegaan doorashadaas.
“Markii aan howshaas soo dhameyno ayaan dadka Soomaaliyeed u soo gudbi doonaa warbixin dhameystiran, inta ka horeysa ma jireyso in meeshii aan tagnaba waxaan kala kulano aan idinla soo wadaagno, markii aan soo saarno warbixintaas, waxaan kula noqa doonaa madaxdii noo xil-saartay baaritaankaan,” ayuu yiri.
Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in markii ay ka soo dhamaadaan kulamada ay la yeelanayaan Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee ku sugan Kismaayo ay u gudbi doonaan Garbahaarey.